Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la bedelo dastuurka uu ku shaqeeyo dawlad goboleedka Jubbaland.
Khaliif Shiikh Xasan oo kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaankii 9-aad ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Jubbland uu ka jiro dastuur uu leeyahay Axmed Madoobe.
Waxa uu sheegay In uusan Xilka kusoo laaban doonin Axmed Madoobe sidaas darteed ay haboon tahay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Maamulka.

