Ciidamo Weeraray Xarunta Tv-ga Universal ee Magaaladda Muqdisho.

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Waaxda Canshuuraha ayaa goordhaweyd weeraray Xarunta tv-ga Universal ee Magaaladda Muqdisho.

Xarunta Telefishinka oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Dhanka Degmadda Boordheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadda Laanta Canshuuraha ayaa la sheegay in ay iska caabin kala kulmeen ilaaladda Xarunta tv-ga Universal,kadib markii is fahan waa uu soo kala dhexgalay.

Mid ka mid ah shaqaalaha Telefishinka Universal ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray xarunta ay markii hore rasaas ku bilaabeen ilaalada, xilli ay socotay tabinta barnaamij toos oo subixii ka baxa Muqdisho.

“Ciidamo ku libisan diriiska Dowlda ayaa weerar nagu sooqaaday Xarunteena Universal TV anaga oo barnaamiga bandhiga live ugu jiro,waxaa nagusocdo Xabada aan Caadi eheen, ciidamada Xarunta ayaana iska difaacaya Ciidadamadd weerarka soo qaadaday”, ayuu yiri mid kamid shaqaalaha tv-ga.

Dhanka kale Maamulka Tv-ga Universal ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uusan jirin,kaliyah Khasaare Hantiyadeed uu jiro,islamarkaana ay kala hadli doonaan arintaan Madaxda Laamaha amaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here