Kooxo hubeysnaa ayaa galinkii dambe ee maanta waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen nin Ganacsade ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay agagaarka Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in kooxo hubeysnaa ay rasaas la dhaceyn kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay Ala ha u Naxariistee Ganacsade Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh,balse dilkaan ayaa qeyb ka ah dilal maalmihii dambe ka dhacayay magaalada Muqdisho.

