Dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed ayaa saakay ka socda Tuulada Burdhere Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana cabsi ay soo wajahday shacabka ku nool Tuulada Burdhere.
Labadda Maleeshiyo Beleed ayaa muddo ka hor ku dagaalamay Tuuladda,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay dib u bilowday.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in la wado dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaalka labadda Maleeshiyo Beeleed.

