Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamadda Kenya ay ka baxeyn tuulooyinka hoos yimaada Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Kenya ay xalay isaga baxeyn tuulooyinka isku xira Giriley iyo Baardheere.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadda Kenya ay wadaan dhaqdhaqaaq ay kaga baxayaan Deegaanka Buusaar.
Arintaan ayaa imaanaysa xili ay ciidamadda Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay isaga baxeyn deegaanka Fafaxdhuun ee Gobolka Gedo.

