Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kusoo wajahan Magaaladda Muqdisho ee Caasmadda Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaa xariga ka jari doono dhismaha Safaaradda Jabuuti oo la dhagax dhigay sanadkii 2017-kii, taasi oo ku taala Degmadda C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Geelle ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxayna kawada hadli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo.
Intaas kadib Madaxweynaha Jabuuti ayaa u gudbi doonaa Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Jabuuti ah oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

