War Deg Deg:-Ardey Toorey Ku Dilay Ardey Kale Magaaladda Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in labo Ardey ay isku tooreeyeen saakay iskuul ku yaala Magaaladaas.

Falkaan ayaa ka dhacay Iskuulka Mujamac ee ku yaalla Magaaladda Baladweyne.

Wariyaha magaaladda Beledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa soo sheegaya in labadda ardey uu khilaaf soo kala dhexgalay,islamarkaana ay tooreen isku soo qaateen ayna isku waxyeeleeyeen.

Mid kamid ah ayaa falkaan ku dhintay, halka mid kale uu dhaawac culus soo gaaray waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaaladda Beledweyne,sida ay sheegeen qaar kamid ah Laamaha caafimaadka beledweyne.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here