Faah-faahin:-Nabadoon Bashiir Muuse Koonte oo Lagu Dilay Masjid

0

 

Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Magaaladaas lagu dilay Mid kamid ahaa Nabadoonka Deeganadda Puntland.

Nabadoonadda la Dilay ayaa lagu magacaabi jirey Bashiir Muuse Koonte.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, nin hubeysnaa ayaa Nabadoonka ku dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku geeriyooday.

Ciidamadda Puntland oo goobta gaaray ayaa ku guuldareystay qabashadda ninkii hubeysnaa waxaana socda baaritaano.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilka Nabadoon Bashiir Muuse Koonte.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here