Al-shabaab ayaa war kasoo saaray weerar isugu jirey dagaal iyo duqeyn oo Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Dowladda Sooomaaliya ay xalay ku qaadeen Deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50 Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.
Qoraal kasoo baxay shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka la fashiliyay, islamarkaana ciidmadda Shabaab iyo kuwa Huwanta uu dagaal ku dheexmray afafka hore ee Gamboole.
Shabaab waxa ay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay ciidamada Mareykanka iyo Ciidamadda Bangaraafta ee Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamdda mareykanka ay 2ruux oo shacab ahaa ay ku dileen deegaanka,islamarkana ay jabiyeen guryo shacab ah daganayeen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda mareykanka oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay Deegaanka Gamboole.






