Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaweydeyd ka dhacay deegaanka Garas Baaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulahada Maamulka Deegaanka Garabaaley Cabdullaahi Gaabure.
Gudoomiyaha oo si kooban ula hadlay idaacadda Simba Ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxa,balse ay dhaawacyo kasoo gaareen 4 Qof oo shacab ah oo goobta marayay.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan,waxaana goobta howlgalo kawada Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

