Galmudug oo War Kasoo Saartay Ciidamadda La Wareegay Madaxtooyadda Cadaado

0

Maamulka Galmudug garabka Magaaladda Dhuusa Mareeb ayaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ciidamo iyada ka amar qaata ay la wareegeen xalay Xaruntii Madaxtooyadda ee Magaaladda Cadaado.

Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug garabka Dhuusa-mareeb, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Dowladda Dhexe ay la wareegeen Madaxtooyadda magaaladda Cadaado,islamarkaana wixii ka dhaca Cadaado Dowladda Dhexe lagala xisaabtami doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xarunta Madaxtooyadda Magaaladda Cadaado ay yaalaan Ducukintiyo uu leeyahay Maamulka,islamarkaana wixii  ka maqnaada lagala xisaabtami doono Madaxda Dowladda Dhexe.

Ciidamadda Danab iyo kuwa NISA Qeybtooda Galmudug ayaa xalay la wareegay Madaxtooyadda Galmudug ee Magaaladda Cadaado,waxaana Ciidamdda hogaaminaya Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha NISA ee Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here