Xarakadda Al-shabaab ayaa fariin u dirtay shacabka magaaladda muqdisho,kadib qaraxyadii habeenkii jimcihii soo galaysay ka dhacay dhismayaal ku yaala Wadada Maka Almukuramah.
Afhayeenka dhanka hawlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis( Abuu Muscab), oo la hadlayay warbaahinta Shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Ciidamadda Dowladda iyo Ciidanka Midowga Afrika Amisom,madaama ay bartilmaameedsanayaan xili walba.
Waxa uu sheegay in goobihii habeenkii jimcaha ay beegsadeen ay ahaayeen god abeeso,islamarkaana ay isugu tagaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Afhayeenka dhanka hawlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis (Abuu Muscab), ayaa sheegay in ay beegsan doonaan goob walba oo ay ku sugan yihiin xubnaha dowladda u shaqeeya waa siduu hadalka u dhigee.
Hadalka Al-shabaab ayaa imaanaya xili qaraxyo ay ka dhaceyn Magaaladda Muqdisho habeenkii jicmaha ay soo galaysau,waxaana ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku qaadatay 21-saacadood in ay howlgalka kusoo gaba-gabeeyaan madaama dabley hubuysneed ay gudaha u galeen dhismayaal.

