Ciidamadda Kenya ayaa xalay saqdii dhexe isaga baxay Deegaanka Faafax dhuun ee Gobolka Gedo oo ay ku lahaayeen saldhigyo malatari.
Qof ku sugan deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Ciiamadda Kenya ay xalay saqdii dhexe deegaanka isaga baxeyn,islamarkaana ay la wareegeen Ciidamdda Al-shabaab oo wata Hubka culus.
Waxa uu sheegay qofka deegaanka, in Ciidamadda Kenya ay jareen isgaarsiintii deegaanka Faafax dhuun,islamarkaana ay u ruqaansadeen dhanka Xaduudka Kenya.
“Walaalow xalay saqdii dhexe ayay ciidamadda Kenya isaga baxeyn deegaanka Faafax dhuun ee Gobolka Gedo,saakay waxaa la wareegay Ciidamadda Alshabaab waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta deegaanka, ciidamadda deegaanka ka baxay jidka ayaa loo galay dagaal ayay ku jiraan haatan”, ayuu yiri goobjoogaha.
Deegaanka Faafax dhuun oo ah mid istitaatiiji ah ayaa qiyaastii 80Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Kenya oo loogu hadlaayo ka bixitaanka Deegaanka Faafax dhuun ee Gobolka Gedo.

