Maamulka Shabeelaha Hoose oo Ka Hadlay Dadka Lagu Laayay Lafoole+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay dad shacab ahaa oo goordhaweyd lagu laayay Xaawo Cabdi Deegaanka Lafoole ee Gobolkaas.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim barre oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda  Muqdisho ayaa sheegay in dad Masaakiin ahaa oo u badnaa haween Wadooyinka Nadiifiya lagu laayay Deegaanka kadib markii rasaas ooda looga qaaday.

Waxa uu sheegay in falka ay ka dambeeyeen dagaalyahanadda Al-shabaab,islamarkaana loo beegsaday dadka ka qeyb qaadashadda hormarka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in rasaasta lagu furay dadka shacabka ahaa ay ku dhinteen 9-ruux oo Haween u badnaa.

ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here