Al-Shabaab oo Sheegtay Qarax Lala Beegsaday Ciidamadda Ethopia

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo Subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxaan oo laga maqlay Xaafadaha Degmadda Baardheere ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Ethopia oo marayay bartamaha degmadda Baardheere.

Dad ku sugan Degmadda baardheere ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in Qaraxa khasaare gaarsiiyay Ciidamadda Ethopia,islamarkaana ay qaraxa kadib ay fureen  Rasaas.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa,balse ma aysan sheegin tiradda rasmiga ah ay ku dileen qaraxii Degmadda Baardheere.

Isbuuc ka hor ayay aheyd markii weerar naf hurnimo lagu beegsaday ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere waxaana qaraxaas ku dhintay tobaneeyo askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here