Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo 3 ahaa oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa ka dhacay laami Yaraha Zoobe ee Magaalada muqdisho waxaana qaraxa lagu xiray gaari kuwa raaxadda ah oo hal ruux saarnaa.
Qof ku sugnaa goobta ayaa idaacadda Simba u sheegay in qofkii saarnaa gaari uu ku dhintay, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3-ruux kale oo Mooto bajaaj saarnaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la qarxiyay uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar.
Dhanka kale Qaraxyo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamadda AMISOM,oo marayay inta u dhaxeeysa Cooca Coola & Warshada Baastada Degmadda Heliwaa ee Gobolka banaadir.
Ciidamadda AMISOM ayaa furay rasaas qaraxyadda kadib lamana oga khasaaraha ka dhashay ilaa haatan.




