Wararka ka imaanaya Magaaladda Baledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay caawa magaaladaas ku dileen mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Holwadaag Agaagaarka Aargada sheikh xasan Barsame ee Magaaladda Beledweyne Gobolka Hiiraan.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cismaan Cali maadeey oo loo Cismaan Ganeey,wuxuuna kamid ahaa Shaqaalaha Maaliyadda gobolka Hiiraan.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxdaday,waxaana goobta gaaay Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

