Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in xalay Isbitaalka Magaaladaas uu ku geeriyooday ninkii shalay subax toogashadda ku dilay maamulihii Shirkadda DP World ee Dekadda Magaaladda Boosaaso Paul Farmosa.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Maxamed Ibraahim 20-sano jir ahaa ayaa si dhaawac ahaa loo geeyay isbitaalka boosaaso,balse intii lala tacaalayay ayuu geeriyooday.
Maamulka isbitaalka Magaaladda boosaaso ayaa sheegay in ninka dilka geystay ay ku dhaceyn 5-xabadood balse laga soo saaray.
Dhanka kale Saraakiisha amniga Maamulka Puntland aya ku guuldareystay in ay xog ka helaan ninka dilay maamulihii Shirkadda DP World ee Dekadda Magaaladda Boosaaso Paul Farmosa.
Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda.

