Akhriso:-Puntland oo Ka Hadashay Qaabka Loo Dilay Paul Anthony Farmosa

0

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dilkii saakay magaaladda boosaaso ee Gobolka bari loogu geystay Madaxii Shirkadda DP World ee Dekadda Magaaladad Boosaaso.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Boosaaso ayaa xaqiijiyay dilka Mas’uulka.

Waxa uu  sheegay in Paul Anthony Farmosa saaka aroorti lagu dilay guri uu degenaa oo aan sidaasi uga fogeyn dekedda Bosaaso.

“Ninkaasi xabadihii lagu dhuftay ayuu u dhintay, laba askari oo ilaaladiisa ahaa waa dhaawac, waxaa kale oo dhaawac ah nin Hindi ah oo uu u shaqeynayay, waxaana gacnta ku heynaa ninkii weerarka geystay oo dhaawac ah, waana la daweynayaa.”. ayuu yiri

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka Madaxii Shirkadda Dp World ee Dekadda magaaladad Boosaaso.

Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Malta ayaa waxaa uu dhashay sanandkii 1966, waxaa uu na wax kusoo bartay dalka Malta oo uu u dhashay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here