Xasan Sahal:-“Tigabu Yilma Waxba Kama Badalayo Dagaalka Al-Shabaab”,!

0

Siyaasi Xasan Sahal oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ka hadlay isbadalka lagu sameeyay Taliska AMISOM ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlay idaacadda Simba ayuu sheegay in wax isbadal ah ku imaan doonin dagaalkii Shabaab kadib magacaabistii taliyaha AMISOM ee Soomaliya oo dhawaan loo magacaabay Generaal u dhashay Ethopia.

Waxa uu sheegay In AMISOM aysan diyaar u aheyn in guul laga gaaro dagaalka Al-shabaab.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dhawaan jeneraal Ethopia ah u magacaabay Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya.

Janaraalka oo lagu magacaabo Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa xilkan kula wareegay xaflad ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Janaraalka Itoobiyaanka ah ayaa xilkaan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilkan hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa muddo kabadan 30 sano ku jiray howlaha ciidannimo, iyadoo la filayo in isbedel uu ku sameeyo howlaha AMISOM ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here