Xildhibaano, maamulka gobolka banaadir,dhaqaatiir iyo odayaal dhaqan ayaa kasoo qeyb galay 27-guuradii kasoo wareegtay cisbitaal Keysaneey ee magaalada muqdisho markii la aasaasay, waxaana dadka kasoo qeyb galay ay sheegeen in cisbitaalka uu u baahan yahay in cidkastaa ka qeyb qaadatosidii loosii hormarin lahaa adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka kaas oo qabta adeegyo muhiim ah, iyadoona uu qaliino lacag la,aan ah u sameeyo haweenka danta yar.
Agaasimaha isbitaalka Keysaney Dr Axmed Maxamed (Axmed Taajir) ayaa ka warbixiyay waxqabadka Isbitaalkan oo maanta jirsaday 27 sano, waxaana uu sidoo kale soo dhaweeyay amarka ka soo baxay G/ Banaadir ee lagu furayo waddadaasi.
Maamulka, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada Dawooyinka u soo raadsada Isbitaalka Keysaney ayaa qiray in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaashaha waddadaasi, waxaana ay ka codsadeen guddoomiye Yariisow in uu dadajiyo furitaankeeda.
Keysaney ayaa ka mid ah Isbitaallada waa weyn ee haatan ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana adeeg caafimaad u doonta dad badan ooSoomaaliyeed.





