Wararka ka imaanaya Degmadda Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu iscasilay Gudoomiyihii Degmadaas.
Maxamed Yuusuf Shirwac Gudoomihii degmada Jariiban ayaa is casilaadiisa u sababeeyay arrimo caafimaad, wuxuuna u mahad celiyey dhamaan Xildhibaanadii iyo shacabkii lasoo shaqeeyey mudadii uu xilka hayey.
Shirwac ayaa sheegay in caafimaadkiisa mudooyinkii dambe uu aad u liitay,islamarkaana uu wadi waayay shaqadii Maamulka u ikmaday.

