Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta khudaarta lagu iibiyo ku dilay Haweeney Suuqa ka adeeganaysay.
Qof ku sugnaa halka uu falka ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay in Askariga uu si bareer haweeneyda u dilay xili ay ka adeeganaysay qeybta khudaarta lagu iibiyo.
Waxa uu sheegay in falka kadib uu goobta ka baxsaday,islamarkaana meydka haweeneyda goobta laga qaaday.
Dhanka kale Ilaa hataan si dhab ah looma oga sababta uu askariga u dilay Haweeneyda.

