Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Qaraxaan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la doonayay in la soo galiyo gudaha Magaalada Baardheere oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamadda iyo Ciidamadda Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Jubba-land ayaa sheegay in xogta qaraxa la helay,islamarkaana ay uga hortageen duleedka Magaalada Baardheere halkaasina uu ku qarxay.
Dhanka Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay saldhig Ciidamada Dowladda Ethopia ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmadaasi.
“Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

