Xiisad Ka Dhalatay Nin La Dilay oo Ka Taagan Degmada Godinlabe+Dhageyso

0

Deegaanka Gaalyeel oo hoostaga Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Kataagan Xiisad Colaadeed oo u dhaxaysa Beelaha walaalaha ah ee Halkaasi wadadaga.

Xiisasada ayaa Kabilaabatay Kadib markii duleedka deegaanka dil loogu gaystay nin kamida beelaha ay colaadooda hada Deegaanka Kataagantahay Sida uu inoo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Deegaanka Gaalyeel Maxamuud Cabdi Warsame.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in hada Xiisad Colaadeed ay Kataaganatahay Deegaanka oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka labada beelood Lagana Cabsi Qabo in Dagaal uu Labada Dhinac Dhaxmaro.

Marka Lagasootago hadalka Gudoomiyah,warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka uu Kasoojeedo Ninka Saaka Lagu dilay Duleedka Gaalyeel ay Kudhawaad 6-gawaari nuuca Dagaalka iyo Ciidamo Layimaadeen Duleedka Deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here