Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in diyaaraheeda helicopters-ka ah ay duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Somalia islamarkaana ay ku dileen 35 kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab.
Weerarkan waxa uu dhacay jimcihii lasoo dhaafay, sida laga soo xiganayo wazaaradda difaaca Ethiopia xubnaha lagu dilay weerarkan waxaa kamid ah madaxii howlgalada Al Shabab ee goobta la weeraray oo ay Ethiopia magaciisa ku sheegtay Abdu Osman iyo nin lagu magacaabo Abduselam oo ay Ethiopia ku sheegtay inuu madaxa qaraxyada Al Shabab.
Qoraalka kasoo baxay wazaaradda difaaca Ethiopia ayaa sidoo kale lagu sheegay in afar gaari lagu burburiyey weerarkan duqeynta ah islamarkaana mid kamid ah gawaarida uu siday qaraxyo.
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay qasaarooyin waaweyn ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al Shabab weeraro dhowr ah oo ka dhacay Somalia.
Ethiopia Waxa ay sheegtay in todobaadyo kahor weerar ka dhacay Kismaayo ay ku dishay 66 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

