Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee danab Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ku bur buriyay mid kamid ah Maxkamadaha ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu dilay Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo dagalamayaal cusub oo la sheegay in dhawaan ay ku biireen Al-shabaab
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu burburiyay Saldhigyo iyo Goob si sharci daro ah shacabka loogu qaadi jiray dacwooyinka.
Saraakiil Ajaanibta ah ee lagu dilay howlgalka ayaa waxa ay saraakiisha Danab Magacyadooda ay ku kala sheegeen Abuu Muniir ciraaqi oo kasoo jeeda Suudaan iyo Axmed Abuu shaafici oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Yaman Balse heesta dhalashada dalka Afganistaan
Saraakiisha Danab waxaa ay sheegeen in xubnaha howlgalka lagu dilay uu mid yahay Sarkaalkii Maxkamada Al-shabaab u qaabilsanaa Degaanka Bariire kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Maxamuud faarax Abuu xuseen

