AMISOM oo La Sheegay in ay Ku Fashilmeen Howlgalka ay Al-shabaab+Dhageyso

0

Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ayaa la sheegay in ay ku fashilmeen dagaalka Lagula Jiro dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Aqoonyahan C/risaaq Shiikh Mursal oo ah Falanqeeye dhanka amaanka ayaa idaacadda Simba ee Muqdisho u sheegay in AMISOM oo Soomaaliya ku sugan wax ka badan 10-sano aysan ku guuleysanin dagaalka Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamadda AMISOM ay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen dagaalka dagaalyahanadda Xarakadda Shabaab,si lamid ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii C/risaaq Shiikh Mursal ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed, Ciidamadda AMISOM,iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-shabaab si loo badbaadiyo dowladdnimadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here