Gudoomiye Mursal o Sheegay in Xabsiga Laga Sii Deyn Doono Shiikh Muqtaar Roobow

0

Odayaasha, Dhalinyarada, Wax Garadka , Haweenka, Culumaada, iyo Xillibaanadda Kasoo Jeeda Beesha Uu Ka Dhashay Muqtaar Rooboow Ayuu  Magaalada Baydhabo Kula Kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,

Waxay Soo Jeediyen Odayaasha Qodobo Dhawr ah Oo La Xiriira Xaaladihii Ka Dhacay Baydhabo Intii Lagu Guda jiray Doorashadii Ka dhacday Koonfur-galbeed Iyo Shaqaaqooyinkii Lagu Xiray Muqtaar Rooboow,

Odayaasha Ayaa Warbixinadii Ay Siiyeen Gudoomiyaha Kadib Waxaa ay Dalbadeen Inay Diyaar u Yihiin Ayna Soo Dhaweynayaan Dib U Heshiisiinta Uu Wado Maadaama Uu Yahay Mas’uulka Labaad Ee Dalka Sidoo Kalena Gaar ahaan u Matala Degaanada Koonfur-galbeed,

Dhanka Kale Odayaasha Ayaa Cidsaday In Gudoomiyaha Uu Ka Shaqeeyo Sidii Uu Xuriyadiisa U Heli Lahaa Sheekh Muqtaar Sidoo Kalena Ay U baahanyihiin In Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Looga Shaqeeyo Sidii Loo Soo Deen Laahaa ,

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Ayaa Odayaasha U Balanqaaday In Qodobadii Ay Soo Jeediyeen Uu Si Deg-deg Wax Uga Qaban doono

Gudoomiyaha Ayaa Yiri “Waxaan Idin Balan Qaadayaa in Xuriyadiisa Uu Heli Doono Muqtaar Rooboow Arintaas Intii aan Soo Bixin Ayaan Ka Wada Hadalnay Madaxweynaha Iyo Ra’isulwasaaraha Taasna Waan Idinkugu Bishaaraynaay,

Gudoomiyaha Ayaa Sidoo Kale Odayaasha Iyo Qeybihii Kala Duwanaa Ee Kulanka Kasoo Qeyb galay Ku Qanciyay In Aysan Cidna Raali Ka Aheyn Qaabkii Loo Maray Xatiggii Muqtaar Rooboow ,

“Waad Ogtihiin Aniga ahaan Dhawr mar ayaan Ka hadlay in Muqtaar Rooboow Uu Lamid yahay Musharixiinta Kale Farahana Laga Qaado Xitaa Waxaan Dalbaday In Doorashada Dib Loo Dhigo xaalad Walboo Muqtaar lagula Dhaqmay Aniga Raali Kama Aheyn , Waxaan Idin Balan Qaadayaa in Muqtaar uu Banaanka Soo Bixi doono ” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here