Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulkaas.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa cod u qaadista muddo kordhin loo sameynayay wakhtiga laga rabo inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Puntland madaxweyne Saciid C/laahi Dani.
Madaxweyne Deni oo saakay hor tagay Xildhibaanadda Baarlamaanka, wuxuu codsaday 15 cisho oo muddo kordhin ah.
Dastuuriyan waxaa laga rabay Madaxweynaha inuu xukuumadiisa soo magacaabo ugu danbeyn 29-ka bishan, waxaana uu codsaday oo laga aqbalay in xukuumadda laga sugo illaa 14ka bisha labaad.
45 xildhibaan ayaa u codeysay oo aqbashay codsiga Madaxweynaha, waxaa diiday 1 xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

