Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo Loo Gacan Galiyay Dowladda Ethopia.

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Gaashaamo ee Maamulka Soomaalida ee Ethopia ayaa ku waramaya in Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo dhawaan lagu xiray halkaas loo gacan galiyay Dowladda Federaalka Ethopia.

Isaga iyo labo Wariye oo kale ayaa dhawaan laga qabtay Degmadda Gaashaamo, oo warbixino ay kasoo tabinayeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Ethopia ay su’aalo weydiinayso,islamarkaana kadib lasii deyn doono.

Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayaa Magaaladda Jigjiga saldhigtay kadib markii xilka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo tacadiyo badan ka geystay deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here