Shiikh Shaakir oo Guluf Dagaal Kawada Woqooyiga Gobolka Galgaduud+Dhageyso

0

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu eedeeyay in Ciidamo ka amar qaata ay guluf dagaal ay kawadaan Woqooyiga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

Bashiir Daahir Dhagabadan oo ah Gudoomiyaha Degmadda Xiraale Oo la hadlay idaacadda ayaa sheegay in Shiikh Shaakir oo Ahlusuna Horey madax ugu ahaa uu haatan wado abaabulka dagaalka,islamarkaana Ciidamo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin Woqooyiga Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhankooda ay u diyaarsan yihiin dagaal walba oo kaga yimaada dhanka Maamulka Magaaladda Dhuusa-mareeb ku sugan.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay aqoonsan yihiin Maamulka Magaaladda cadaado ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Baasto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here