Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dhaawacay duhurnimadii maanta gudoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Hodan.
Gudoomiyaha la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Xuseen Hadaafow waxaana lagu weeraray qeybo kamid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyay kooxo hubeysnaa ay mas’uulka weerareen xili uu kasoo baxay Masaajid,islamarkaana ay dhowr xabadood ku dhufteen,iyagoona goobta ka baxsaday.
Dhanka kale masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Hodan ayaa xaqiijiyey falkan, waxayna intaas ku dareen in Xuseen loola cararay goobaha Caafimaadka markii hore,balse uu halkaas ku geeriyooday.
Ma jirto cid ilaaa haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan.

