Al-Shabaab oo Weerar Qorshaysnaa Ku Dilay 57 Askari Itoobiyaan ahaa

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Ethopia ayaa saakay ka dhacay Duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah amisom oo halkaas marayay.

Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay dagaalka khasaare dhimasho iyo dhaawac.

War rasmi ah oo kasoo baxay X Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan meydadka 57 askari Itoobiyaan ah walina ay ku mashquulsanyihiin aruurinta dhaawacyada iyo Meydadka ciidanka Ethopia.

“Khasaara aad u xooggan ayaa ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarkii saaka ka dhacay duleedka Buurhakaba, inta meydad ah ee Shabaab hadda gacanta ku hayaan waa 57 askari walina dhaawacyo iyo Meydad ayaa dhulka howdka ah laga baadi goobayaa”ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ethopia oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Gobolka Baay

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here