Kenya oo Ka Hadashay Weerarkii Shabaab Ku Qaadeen Hoteelka DusitD2

0

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerarkii qaraxyo ku bilowday ay shabaab galabta ku qaadeen hoteel ku yaala Magaaladda Nairobi.

Taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi soo afjareen Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dhaceen.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro argagixiso oo intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 m

Al-Shaabab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi, waxa ayna halkaasi ku laayeen dad rayid ah oo halkaasi ka dukaameysanayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here