Maamulka Jubba-land uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe),ayaa lagu eedeeay in uusan daacad ka aheyn dagaalka lagula Jiro Al-shabaab-ka ee ku sugan Gobolada dalka.
Qaar kamid ah Siyaasiyiinta reer jubba-land oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka Axmed Madoobe iclaamiyay uusan dhab aheyn ,islamarkaana dano gaar ah laga leeyahay.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgaladda la sheegay In ay ka bilaaban doonaan dhawaan deeganadda Jubbada Dhexe ee Shabaab ay ku sugan ay yihiin kuwa afka laga ssheegay oo kaliyah.

