Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gudoomiyaha Maxkamada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose u magacaabey Sheekh Cabdirashiid Aadan Ismaaciil.
Madaxweynaha ayaa maalmihii u danbeeyey ee ku sugnaa degmada Afmadow isbedel balaadhan ku sameeyey Maamulka degmada , Amniga , Maaliyada , Caafimaadka iyo garsoorka.


