Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa si gaar ah ugu dhacay afafka hore ee maqaaxida The Village oo kamid ah Maqaayadaha ku yaala magaaladda.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad meesha ku sugan, gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo yaalay afafka hore ee Maqaayada ayaa qarxay,waxa uu sidoo kale saameeyay gawaari taalay qeybta gawaaridda la dhigto ee Maqaayadda The Village.
Inta la xaqiijiyay 3-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay,waxaana loo qaaday Goobaha caafimaadka magaaladda.
Si dhab ah looma oga gaariga qarxay shaqsiga iska leh.
Dhanka kale hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan, islamarkaana wixii faah faahin ah dib ka soo sheegi doonaan.

