Akhriso:-Maamul Cusub oo Loo Magacaabay Degmadda Afmadow Jubadda Hoose

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubba-land ayaa Maamul cusub u Magacowday Degmadda Afmadow ee Gobolka jubadda Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubba-land Darwiish ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday maamulka Degmadda, islamarkaana la magacaabay maamul cusub.

Gudoomiyaha cusub ee maamulka Degmadda Afmadow ayaa loo magacaabay Yuusuf Xasan Xuseen, halka Ku-xigeenka loo magacaabay Cabdi Shiikh Cumar.

Dhanka kale Gudoomiyihii Hore ee Degmadda Afmadow Dhaqane Abdi ayaa aqbalay xil ka qadista lagu sameeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here