Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday maanta tagista Magaaladda Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Puntland ayaa ku wargelisay xubnaha ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe ku wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.
Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa kamid ah wafdiga Dowladda ka socda.
Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday Wasiiradda iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

