Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dil iyo dhaawac u geystay Ganacsato Soomaaliyeed,Magaalada Cape town ee dalkaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, burcad koonfur afrikaan ah ayaa goobtooda ganacsi ku weeraray Labo kamid ah Ganacsadda Magaaladaas.
Weerarka waxaa ku dhintay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariisto Cabdicasiis Roorow,sidoo kale waxaa falkaan lagu dhaawacay Aweys Macalin oo haatan lagu daweynayo isbitaal ku yaala Magaaladda Cape Town.
Labadda Muwaadin ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhaceen.
Waa falkii ugu horeeyay ee sanadkaan 2019-ka lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed.

