Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Lagula eegtay Waaxda Foorilow ee Deegaanka Garas-basley ee Duleedka Magaaladda muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Ciidamadda Qaraxa lala eegtay ayaa ku daba jiray ragga Madaafiic kusoo tuuray saldhig ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa AC-yada ay ku leeyihiin xaafada Galmudug ee Deegaanka Garas-baaley, kadibna u baxsaday dhanka Degmada Kaxda.
Inta la xaqiijiyay 3-askari oo la socotay Gaari Cabdi bilaha ah ayaa ku dhaawacantay Qaraxa Miino oo la dhigay meel wadadeeda dhinaceeda.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in ciidamadda qaraxa lala beegsaday ay la socdeen Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Deegaanka Garas-basley Cali Xasan Cali iyo Taliyaha Booliska Garas-baaley C/fataax Qoslaaye,kuwaasi oo ka badbaaday.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyada qaraxaan.

