Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay rabshadaha wali ka taagan Magaalada Baydhabo iyo kaalinta ay ku leedahay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya
Malaaq Shiino oo kamid ah Odoyaasha dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ay sii hurinayso Colaadda Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib xarigii Shiikh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur).
Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed Somaaliya dhibaatadda ugu badan ay haatan kala kulmaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya marka loo eego Xarakadda Al-shabaab.

