Iyadoo ay dibad baxyo rabshado wato ka dhacayeen magaalada Baydhabo labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaaladda qasan maamulka Koofur Galbeed ka hadlay qaar kamid ah waddamada caalamka ee daneeya arrimaha Somalia.
Waddamada xaaladda Koonfur Galbeed ka hadlay ayaa waxa ay kala yihiin, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo United Nations.
Xubnahan ayaa waxa ay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Koonfur Galbeed, Waxa ayna sheegeen in ay si tiiraanyo leh kaga tacsiyeynayaan geerida xildhibaan Cabdi Shakuur Buulle oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga dowlad goboleedka Koofur galbeed.
Sidoo kale waxay ka tacsiyeeyeen dadka kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba.
“Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada.” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen dowladahan.
waxa ayna sheegeen inay ku boorinayaa dhammaan dhinacyada in ay ixtiraamaan daacadnimada habka doorashada. Waxaan ku dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka. Ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka dowladahan.

