Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xariga Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Banaan-baxyadda ka socda Magaaladda Baydhabo, iyo Xayiraadda mar kale la saaray kadib markii uu ka guuray Madaxtooyadda Soomaaliya.
Ugu Horeyntii Gudoomiyaha ayaa tacsi u diray Eheladda dadkii ku dhintay Rabashadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka baay,wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dajiyo.
Gudoomiyaha ayaa dalbaday in lasii daayo Musharax Roobow, dibna loo dhigo doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana xarigiisa uusan sharci aheyn,madaama aysan Maxkamadd warqad u jarin.
Dhanka kale waxa uu Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday in aan la caburinin Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Halkaan Hoose ka AKhriso Qodobadda uu soo saaray Gudoomiyaha



