Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaw ka dhacay gudaha degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.
Goobjooge ayaa Simba u sheegay in qarax miino uu goordhaw ka dhacay suuq khaadka lagu iibiyo oo ku yaal Magaalada Buulaburte ee G/Hiiraan, halkaasina uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lagu weeraray qaraxa ciidamo katirsan kuwa dowladda ee ka howlgala Magaalada Buulaburte, balse ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobalka Hiiraan ayaa Simba u xaqiijiyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askar iyo shacab hallkaasi ka ag dhawaa.
WAXII KUSOO KORDHA WARKAASI LA SOCO GOORDHAW

