War Deg Deg:-Labo Ruux oo Goordhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa Goordhaweyd waxa ay Magaaladda Muqdisho ku dileen Labo askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Black Sea Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qof ku sugnaa goobta askarta lagu dilay ayaa Simba u sheegay in Kooxo Bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilalka askarta,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxa ay horey usii qateen qoryihii ay wateen labadda askari,waxaana goobta laga qaaday Meydka Labadda askari.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here