War Deg DEG:-Qarax Kale oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax miino oo dhulka la galiyay ayaa Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM waxaa Goordhaweyd lagula eegtay Isgoyska SOS ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qof ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uu khasaare gaarsiiyay Ciidamadda AMISOM oo marayay,islamarkaan qaraxa kadib ay fureen rasaas aad u fara badan.

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka Isgooska SOS ee Magaalada Muqdisho,ayaa hakad ku jira.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here