Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeeyay deegaan lagu magacaabo Goodirley oo u dhow deegaanka Caad ee hoos-tagta degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Xarakadda Al-shabaab.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa dhowr Gantaal ayay diyaaradaha la beegsadeen deegaanka, kuwaasi oo la xaqiijiyay in ay geysteen khasaare balse aan la hubin inta ay gaarsiisan tahay.
Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Mareykanka,islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Waxaa duqeyntii 3-aad ee bishaan gudaheeda diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan,deegaano ka Tirsan Degmadda Xaradheere ee Gobolka Mudug.

