Aqalka Sare oo Sheegay in Go’aan Laga Gaaray Khilaafkii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la xaliyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Madax Goboleedyadda Soomaaliya.

Guddigii aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u xil saaray khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah ayaa soo saaray qoraal dheer oo inta badan ay xoogga ku saareen kaalinta hey’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada mid weliba uu leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku xushmeeyo adeegga cid weliba qaranka u heyso.

Guddiga ayaa soo gudbiyay 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here